Saturday, February 22, 2025
spot_img
HomeWARARKII UGU DANBEEYAYMaxey kawada hadleyn RW ku-xigeenka dalka iyo agaasimaha xarunta ganacsiga Caalamiga ah...

Maxey kawada hadleyn RW ku-xigeenka dalka iyo agaasimaha xarunta ganacsiga Caalamiga ah ?

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Geneva kulan kula yeeshay Agaasimaha Fulinta ee Xarunta Ganacsiga Caalamiga ah (International Trade Center), Pamela Coke-Hamilton.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada horumarinta ganacsiga iyo kobcinta awoodda ganacsatada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Soomaaliya ayaa dhawaan qabatay fadhigeedii ugu horreeyay ee ku saabsan ku biirista Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO), taas oo muujineysa sida ay uga go’an tahay horumarinta xiriirka ganacsi ee caalamiga ah,

Salax Axmed Jaamac Ra’iisul wasaaraha ku-xigeenka dalka ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Geneva, isaga oo ka qeyb galay kulan ku saabsanaa wadahadallada ku biirista Soomaaliya ee Ururka ganacsiga ee Adduunka ee WTO.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments