Maxey kawada hadley MW Xasan Sheekh iyo RW hore Cabdi Faarax Shirdoon

0
129

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa maanta xarunta madaxtooyada Soomaaliya ku qaabilay  Cabdi faarax Shirdoon oo Ra’iisul wasaare soo noqday muddaadii u dhaxeeysay 2012 ilaa 2013.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka iyo xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay isla qaateen muhiimadda dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab  iyo garab istaagga ciidamada Qalabka Sida ee naftooda u huraya shacabka Soomaaliyeed.

Cabdi Faarax Shirdoon ayaa dalka ku soo laabtay todobaadkii hore, waxaan uu durbo ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taahay xilka madaxweynaha Soomaaliya May 2026, isaga sidoo kale shaaciyay xisbi siyaasadeed uu hoggaamiye ka yahay asiga.

 

 

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here