Maxay ka wada hadleen ergayga Trump iyo Vladamir Putin?

0
34

Ergayga Trump iyo Putin ayaa ka wada hadlay suurtgal nimada wadahadalo toos ah oo u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine.

Kulanka u dhaxeeyay Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin iyo ergayga Trump, Steve Witkoff ayaa ku dhamaaday saddex saac, waxaana uu ahaa mid mirodhal ah, sida uu sheegay kaaliyaha Putin, Yuri Ushakov, oo qayb ka ahaa kulanka.

Waxaa u dambeysay wada hadal toos ah oo u dhaxeeya Ruushka iyo Ukrain sanadkii 2022, kaasi oo guul daraystay, iyada oo uu dagaalku saameyn ku yeeshay.

Bishii Oktoobar ee sanadkaasi ayaa madaxweyne Zelensky uu mamnuucay wada hadal uu la galo Putin, laakiin 22-dii Abriil ee sanadkan 2025 ayaa si kastaba ha ahaatee uu sheegay inuu diyaar u yahay qorsha kasta oo heshiiska ruushka ee keenaya xabad joojin buuxda.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here