Maxamed Cabdi Waare, oo ah Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD, ayaa si kulul uga hadlay xaaladda amni ee Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab.
Waxa uu sheegay in IGAD ay si cad u aragtay in dowladda Soomaaliya aysan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab u siinayn mudnaanta ay mudan tahay, taasoo khatar ku ah nabadda iyo xasilloonida guud ee gobolka Geeska Afrika.
“Waxaa noo caddaatay inuusan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab ahayn mudnaanta koowaad ee dowladda. Tani waa arrin aad nooga walaajisay,” ayuu yiri Waare.
Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo weli dagaallo culus ka socdaan qaar kamid ah gobollada dalka, gaar ahaan Hiiraan iyo Galgaduud, halkaas oo ay dad badan ku dhinteen, isla markaana ay jiraan dareenno ka dhashay hoos u dhaca garab istaagga dowladda dhexe.
Waare ayaa sidoo kale ugu baaqay madaxda dalka inay dib u eegaan istiraatiijiyadooda amni, si aysan guulihii ay gaareen ciidamada dowladda iyo Macawiisleydu ugu noqon hal bacaad lagu lisay.