Wednesday, March 12, 2025
spot_img
HomeWARARKII UGU DANBEEYAYMaxaa ka soo kordhay weerarkii hotel Qaahira oo weli socda ?

Maxaa ka soo kordhay weerarkii hotel Qaahira oo weli socda ?

Faaf faahino  dheeraad ah ayaa  ka soo baxaya weerarkii  saakay kooxda Al-shabaab ay ku qadeen  Hotel Qaahira eek u yaalla xaafada Howl-wadaag ee magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarka ku dhintay  10 qof oo ay ku jiraan Odayaal dhaqan, Siyaasiyiin, dhalinyaro iyo Sarkaal sare oo ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda, waxaana weerarka ku dhaawacmay tiro intaas ka badan.

Xilliga uu Weerarkan uu ka dhacay hoteelka Qaahira, ayaa waxaa ka socday hoteelka kulan ballaaran oo lagu gorfeynayay howlgallada dalka ka socda iyo shir kale oo arrimaha siyaasada quseeya.

Weerarkan hoteelka Qaahira, oo markii hore ku biloowday gaari walxaha qarxa, ayaa la sheegay inay xigeen Afar dagaalame oo gudaha u galay hoteelka, waxaana wali soconaya dagaalka u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo kooxda ku jirta gudaha hotelka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments

class 76 unblocked | drive mad unblocked 76 | unblocked games 76 | class 76 unblocked | drive mad unblocked 76 | unblocked games 76 | class 76 unblocked | drive mad unblocked 76 | unblocked games 76 | İstanbul Escort | İstanbul Escort | porn sub ita | canlitv.watch | |