Markabkii Turkiga ee Badda Soomaaliya ka baaraayay Shidaalka iyo Gaaska oo dhameystay howlgalkiisii sahminta

0
81

Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee dalka Turkiga, Alparslan Bayraktar, ayaa ku dhawaaqay in markabka sahminta shidaalka iyo gaaska ee Oruç Reis uu si rasmi ah u soo gabagabeeyay hawlgal sahmin oo uu ka waday biyaha Soomaaliya.

Bayaan uu wasiirku ku daabacay baraha bulshada, ayuu ku sheegay in Oruç Reis uu howlgalka sahminta bilaabay 25-kii October 2024, isla markaana uu soo dhammeeyay ka dib 234 maalmood oo uu badda ku jiray. Markabku waxa uu sahmin ku sameeyay saddex xirmood, wuxuuna soo ururiyay xog seismic 3D ah oo gaaraysa 4,464 kiiloomitir oo laba jibbaaran.

Wasiir Bayraktar ayaa intaas ku daray in xogta uu markabku soo helay ay muhiim u tahay qiimeynta shidaalka ku jira xeebaha Soomaaliya, taasoo tallaabo muhiim ah u ah horumarinta khayraadka dabiiciga ah ee dalka.

Markabka Oruç Reis ayaa lagu wadaa in uu soo xirtay dekadda Muqdisho 15-ka June 2025, ka hor inta uusan dib ugu laaban dalka Turkiga.

Howlgalkan ayaa ah mid ka mid ah tallaabooyinka istaraatiijiga ah ee lagu xoojinayo iskaashiga dhaqaale iyo tamareed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here