Markabkii Hubka Sida oo Si Rasmi ah Ugu Soo Xidhanaya Dekedda Boosaaso – Dowladda oo Qorsheynaysa Soo Bandhigidda Hubka

0
45

Sida ay heshay RNN Somali TV, Markabkii hubka sida ee ay xalay gacanta ku dhigeen ciidamada ammaanka Puntland ayaa goordhow si rasmi ah ugu soo xidhay dekedda magaalada Boosaaso. Dowladda Puntland ayaa la filayaa in ay halkaas si buuxda ugu soo bandhigto hubka iyo gaadiidka gaashaaman ee saarnaa markabkaasi.

Wararka laga helayo ilo-wareedyo amni ayaa sheegaya in markabkan uu horey uga soo ambabaxay meel ka mid ah xeebaha dalka Turkiga, isagoo sii maray jihada Muqdisho. Waxa uu kusoo jeeday dhanka koonfureed ee dalka, balse waxaa la sheegay in dabaylaha xooggan ee xagaaga ay sababeen in safarkiisu hakad galo, taasoo keentay in uu kusoo xirmo xeebta Bareeda ee Puntland, halkaas oo ay ciidamada ammaanka si degdeg ah ula wareegeen.

Markabkan ayaa lagu soo warramayaa inuu siday hub culus, rasaas, iyo gaadiid dagaal, kuwaasoo loo maleynayo in loo waday dhinac aan weli si rasmi ah loo shaacin. Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Turkiga — oo ah dalka markabku kasoo shiraacday — ayaan weli midna ka hadlin arrintan.

Saraakiil ka tirsan Puntland ayaa RNN Somali TV u sheegay in baaritaan rasmi ah lagu wado muqaalka hubka, cida leh, iyo ujeeddada loo waday, iyadoo warbaahinta lagu wargeliyay in si rasmi ah loogu soo bandhigi doono saacadaha soo socda.

Arrintan ayaa dhalisay hadal hayn xooggan oo ku saabsan ammaanka badda Soomaaliya iyo doorka dalalka shisheeye ee ku lug leh dhaq-dhaqaaqyada hubka ee ka baxsan sharciyada caalamiga ah.

RNN Somali TV ayaa si dhow ula socota xaaladda dekedda Boosaaso iyo bayaanada rasmiga ah ee laga sugayo maamulka Puntland iyo dowladda dhexe.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here