Markabka Hubka ee Puntland ay qabatay wuxuu ka yimid Turkiga, wuxuuna hubka iyo gaadiidka u waday ciidamo gaar ah oo ku sugan Muqdisho

0
51

Warbixin rasmi ah oo uu helay baaritaanka RNN Somali TV ayaa muujinaysa in Markabka SeaWorld ee lagu qabtay xeebaha Bareeda laguna soo xiray dekedda Boosaaso uu siday hub iyo gaadiid ciidan oo laga leeyahay dalka Turkiga, kuwaas oo loo waday magaalada Muqdisho.

Warqad rasmi ah oo taariikheedu yahay 02.05.2025, laguna qoray sumad 00234/25, ayaa lagu faahfaahiyey noocyada hubka saaran markabka. Warqaddan, oo la geeyey Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa lifaaq u ahayd dukumiintiyo kale oo muujinaya in qaybaha baabuurta saaran markabka ay leeyihiin calaamado iyo aqoonsiyo milatari oo laga sameeyey gudaha Ankara.

Hubka uu markabku siday oo isugu jiray boobayaal fudud, hub culus, iyo gaadiid gaashaaman, ayaa loo waday ciidamo gaar ah oo lagu tababaray oo hadda ku sugan Xerada Hiilweyne ee duleedka Muqdisho. Ciidamadan waxaa lagu sheegay kuwo uu Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud qorsheynayo in lagu xoojiyo howlgallada amni, inkasta oo ay mucaaradku si adag uga digeen abaabulka iyo qalabeynta ciidan gaar ah oo uusan baarlamaanku si buuxda u ansixin.

Sidoo kale, xogta baaritaanka RNN Somali TV waxay tilmaamaysaa in ganacsato xiriir dhow la leh Turkiga, kuwaas oo uu wakiil u yahay mid kamid ah wasiirrada xukuumadda Federaalka, ay markabka saareen bistoolado ka badan 2,500 xabbo iyo agabyo kale oo hubeed, kuwaas oo la qorsheeyay in si gaar ah looga suuq geeyo gudaha magaalada Muqdisho.

Inkasta oo Puntland ay xaqiijisay in ay gacanta ku hayso markabka SeaWorld iyo hubka saaran, haddana ilaa hadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Turkiga toona kama aysan bixin bayaan rasmi ah oo lagu caddeynayo milkiyadda hubka, cidda dirsatay ama ujeedada rasmiga ah ee loo waday.

Arrintan ayaa sii hurisay muran siyaasadeed iyo walaac amni oo xooggan, waxaana laga sugayaa in baaritaan madax-bannaan oo caalami ah lagu sameeyo, si loo hubiyo halka laga keenay hubka, cidda mas’uulka ka ah, iyo sababta loola soo dhuuntay xeebaha Puntland.

RNN Somali TV waxay sii wadi doontaa dabagalka arrintan, iyadoo wararka rasmiga ah, hadallada mas’uuliyiinta, iyo xogaha cusub la xiriira markabkan si joogto ah ugu soo bandhigi doonta shacabka Soomaaliyeed.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here