Mareykanka oo la hadlay taliyaha ciidamada dowladda Pakistan

0
58

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa la hadlay taliyaha ciidamada Pakistan, Asim Munir, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Hindiya, Subrahmanyam Jaishankar.

War lasii daayay ayaa lagu sheegay in Rubio uu labada dhinac ku booriyay inay helaan waddooyin lagu dejin karo xiisadda.

Rubio wuxuu ballan qaaday taageerada Mareykanka si loo bilaabo “wadahadallo wax-ku-ool ah si looga fogaado dagaallo mustaqbalka ah.” Markii uu la hadlayay Munir iyo sidoo kale Jaishankar, wuxuu ku celiyay baaqiisa ah in la yareeyo xiisadda labada dhinac.

“Subaxnimadii hore ee maanta, waxaan mar kale aragnay isla qaabkii kacsanaanta iyo kicinta ahaa oo ay Pakistan muujisay.”

Illaa hadda sargaal sare oo ku sugnaa magaalada Rajouri ayaa la sheegay in u dhintay duqeymaha Pakistan sida uu sheegay wasiirka saree e gobolka Omar Abdullah.

“War naxdin leh oo kasoo baxay Rajouri. Waxaan luminay sarkaal u heellan adeegga maamulka Jammu iyo Kashmir,” ayuu yiri Abdullah oo qoraal ku daabacay baraha bulshada.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here