Mareykanka oo Cambaareeyay Go’aannadii Madasha Wadatashiga Qaranka: Wuxuu Dalbaday Wadahadal Qaran oo Dhamaystiran

0
62

Muqdisho – 9 May 2025 – Dowladda Mareykanka ayaa si cad uga hor timid go’aannadii kasoo baxay Madasha Wadatashiga Qaranka ee ka dhacday magaalada Muqdisho intii u dhaxaysay 6–7 May 2025, iyada oo ku tilmaantay mid aan laga wada qeybgalin oo khatar gelin kara xasiloonida siyaasadeed iyo amni ee dalka.

Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Xafiiska Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka (@AsstSecStateAF) ayaa lagu yiri:

“Dhammaan daneeyayaasha muhiimka ah waa in ay ka qeyb qaataan isbeddellada lagu samaynayo nidaamka federaalka iyo doorashooyinka Soomaaliya. Go’aanno aan taageero ballaaran laga helin waxay yeelan doonaan sharci darro waxayna carqaladeynayaan dadaallada lagu xalinayo caqabadaha amni ee dalka ka jira.”

Qoraalkan ayaa kusoo beegmaya kadib markii Villa Somalia ay faafisay war-murtiyeed rasmi ah oo ka tarjumaya natiijada shirkii Madasha Wadatashiga, kaas oo ay ka qeybgaleen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka.

Inkasta oo shirkaasi looga hadlay arrimo muhiim u ah mustaqbalka siyaasadeed ee dalka – sida dastuurka, hannaanka doorashooyinka, iyo nidaamka federaalka – haddana waxaa gebi ahaanba ka maqnaa qaar kamid ah maamul-goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka, taasoo keentay walaac ay muujiyeen saaxiibada caalamiga ah.

Siyaasiyiin iyo madaxda maamulo aan ka qeybgelin shirka ayaa horey u dhaliilay qaabka go’aannada lagu gaaray, iyagoo ku tilmaamay “mid hal dhinac ah oo horseedi kara khilaaf hor leh iyo kalsooni darro siyaasadeed.”

Mareykanka oo ah saaxiib muhiim ah oo Soomaaliya kala shaqeeya arrimaha amniga, horumarinta dowlad-dhiska, iyo dimuqraadiyadda, wuxuu ugu baaqay dowladda Federaalka iyo dhammaan daneeyayaasha in la isugu yimaado miiska wadahadalka si loo gaaro is-afgarad qaran oo dhab ah.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here