Monday, February 24, 2025
spot_img
HomeWARARKII UGU DANBEEYAYMadaxweynihii ku-xigeenka hore ee Kenya oo shaaciyay sababta ay isku qabteen Willyam...

Madaxweynihii ku-xigeenka hore ee Kenya oo shaaciyay sababta ay isku qabteen Willyam Ruto

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Kenya oo sheegay in sababta uu xilka u tagay ay aheyd kaddib markii xilalka ugu muhiinsan loo magacaabay bulshadda Soomaalida ah ee ku nool dalka Kenya.

“Waxaan uga tagay in aan la shaqeeyo madaxweyne William Ruto, bulshadda Soomaalidda ah ee ku nool dalka Kenya ayuu u magacaabay xilalka ugu muhiimsan waddanka, ku waas oo ugu muhiimsan yahay dhanka ammaanka oo ku taxay, waxaan waydiiyay Madaxweyne Ruto maxaad xilalka ugu muhiimka ah u siisay Bulshadda Soomaalida, waxa uu iigu jawaabay way u qalmaan xilalka aan u dhiibay.” Ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya Rigathi Gachagua qoraal uu soo dhigay bartiisa X.

Khilaaf  soo kala dhex galay sanadkii hore ee 2024-kii madaxweynaha dalka Kenya William Ruto iyo ku xigeenkiisii hore Rigathi Gachagua, ayaa sababay in Baarlamaanka dalkaasi Kenya ay u codeeyaan in xilka laga xayuubiyo Madaxweyne kuxigeenkii dalkaasi Gachagua, 281 mudane ayaa u codeeyay xil ka qaadistiisa, 44 mudane way diideen, hal mudanena wuu ka aamusay.

Siddaas ayuuna xilkii madaxweyne ku xigeen ku waayay, balse muddo ka dib hadalkan ayaa saamayn ku dhex yeeshay gudaha dalka Kenya.

Sikastaba, madaxweynaha dalka Kenya muddo kaddib waxa uu xilkii ka qaaday  Aadan Barre Ducaale oo ahaa wasiirka Gaashaandhiga Kenya, sidoo kale waxaa xusid mudan in  Weli  Soomaalidu ay hayaan booska Sirdoonka oo ah goob laftedu ah meel xasaasi ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments