Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaaray dalka Yugaandha si uu uga qeybgalo Shir-madaxeedka Bangiga Horumarinta Beeraha Qaaradda Afrika ee (CAADP).
Garoonka diyaaradaha wefdiga madaxweynaha waxaa ku soo dhaweeyey mas’uuliyiin katirsan dowladda Yugaandha.
Inta uu shirku socdo, Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo gaar ah la yeelan doona Madaxweynaha Uganda, Mudane Yoweri Kaguta Museveni, iyo Madaxweynaha Kenya, Dr. William Samoei Ruto. Kulamadan ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimo ay ka mid yihiin xasilloonida gobolka, iskaashiga dhaqaale, iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo dhaqaale ee Soomaaliya iyo dalalka.
Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa safar ku tagi doona Itoobiya kaddib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Axmed. Wadahadalka uu la yeelanayo madaxda Itoobiya ayaa ujeedkiisu yahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta danaha wadajirka ah ee labada dal.
Socdaalkan ayaa dabasocda heshiiskii dhowaan lagu gaaray Ankara, taas oo ka tarjumaysa iskaashi cusub oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si xooggan uga shaqeynaysa xoojinta iskaashiga goboleed ee lagu gaarayo barwaaqada. Dadaalladan ayaa la jaanqaadaya aragtida Soomaaliya ee ku saleysan midnimo, iskaashi, iyo horumar waara oo loogu daneynayo dalalka gobolka oo dhan.