Saturday, February 22, 2025
spot_img
HomeARIMAHA BULSHADAMadaxweyne Xasan Sheekh oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyey Dalka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyey Dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Jabuuti ee Jamhuuriyadda Jabuuti, ka dib martiqaad uu ka helay dhiggiisa dalkaasi Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadli doona xoojinta xiriirka walaalnimo ee ka dhaxeeya labada dal iyo labada shacab, iyagoo diiradda saari doona iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo arrimaha gobolka.

Inta lagu gudajiro booqashadan halka maalin ah ayaa waxaa sidoo kale la iskula soo qaadi doonaa wadaxaajoodyo la xiriira danaha wadaagga ah ee labada Jamhuuriyadood ee walaalaha ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments