Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sii wada kulamada Gogosha Wadatashiga Qaran ee uu horey uga furay magaalada Muqdisho, iyada oo kulankii ugu dambeeyay uu maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada Qaranka.
War kasoo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu ku qaabilay Madaxtooyada masuuliyiin heer sare ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Ra’iisul Wasaareyaal hore, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka, iyo masuuliyiin kale oo hore xilal uga soo qabtay dalka.
Kulanka maanta ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray ajandayaashii horey loogu heshiiyay, kuwaas oo ay kamid yihiin:
• Dhammaystirka hannaanka dib-u-eegista dastuurka ku meel gaarka ah,
• Hirgelinta hannaan doorashooyin toos ah oo qof iyo cod ah ku saleysan,
• Iskaashi qaran oo lagu xoojinayo dadaallada lagula dagaallamayo argagixisada iyo sidii loo heli lahaa midnimo siyaasadeed oo lagu wajahayo caqabadaha hortagan dalka.
Madaxweynaha ayaa muujiyay muhiimadda uu kulankan u leeyahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska iyo xoojinta wadajirka siyaasadeed ee loo baahan yahay xilligan, isaga oo xusay in talooyinka iyo waaya-aragnimada madaxda hore ay muhiim u yihiin dhismaha mustaqbalka dalka.