Ilo-xogaal ah oo katirsan Villa Somalia, ayaa inoo sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, uu casuumaad casho sharaf ah ugu yeeray xildhibaanada labada golle ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Wararka ayaa waxa ay intaas ku daray in ujeedka madaxweynaha uu isugu yeeray labada golle ee Baarlamaanka, ayaa waxa ay tahay in uu kala hadalo arrimo la xiriira kal-fadhigga Baarlamaanka,isla markaana lagu daro muddo bil ah.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa doonaya in Baarlamaanka ay ansixiyaan doorashada qof iyo cod, oo maanta la filayo in golaha watashiga ay war-saxafeed kasoo saraan.
Sikastaba madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa horay u sheegay in qorshihiisa ugu weyn in ay tahay doorashada qof iyo cod dalka inuu aado, iyada oo ay xusid mudan tahay in maamulada Puntland iyo Jubbaland ay ka maqan yihiin shirka golaha wadatashiga qaranka.
