Wednesday, March 19, 2025
spot_img
HomeWARARKII UGU DANBEEYAYMadaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhaw ka degay degmada Aadan-yabaal ee gobolka Sh/Dhexe, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey shacabka ku nool magaalada iyo saraakiisha Ciidamada Qaranka.

Inta uu Madaxweynuhu ku sugan yahay furimaha dagaalka waxa uu u kuur-gali doonaa xaaladda ciidamada, isaga oo warbixinno ka dheggeysan doona talisyada iyo hoggaannada horkacaya dagaalka, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay jab weyn gaarsiiyay cadowga Khawaarijta ah.

Tegitaanka Madaxweynaha ee furimaha dagaalka ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli ay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda iyo guud ahaan dalka iyo dibaddaba ay taageero xooggan u muujiyeen howlgalka horumarka weyn laga sameeyay ee lagu dabarjarayo cadowga Khawaarijta ah.

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments