Muqdisho – 13 May 2025
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caawa hadal adag ka jeediyay munaasabadda xisbiga siyaasadeed ee Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP), oo lagu soo bandhigayay hoggaanka cusub ee xisbiga iyo qorshihiisa siyaasadeed.
Madaxweynaha ayaa fariin u diray dadka dhaliilaya hab-raaca siyaasadeed ee dalka, isagoo yiri:
“Dadka sanduuqooda siyaasadeed uu eber ka yahay, afkaar halala yimaado, ama kuwaan aqbal.”
Hadalka Madaxweynaha ayaa u muuqda mid la xariira siyaasiyiin ama kooxo aan lahayn wax taageero dadweyne ah balse dhaliil adag u jeediya hannaanka dowladeed ee haatan jira. Wuxuu sidoo kale muujinayaa muhiimadda ay leedahay in la keeno fikrado wax dhisaya, halkii laga noqon lahaa mucaarad aan wax xal ah keenin.
Xafladda oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa sidoo kale lagu doortay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu noqdo Guddoomiyaha Ururka JSP, iyadoo uu xisbigu noqonayo madal uu ku mideysan yahay hoggaan sare oo qaran.
