Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay xarunta tignoolajiyadda casriga ah ee Özdemir Bayraktar ee dalka Turkiga. Madaxweynaha waxaa booqashadiisa ku wehliyay Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay xarunta Özdemir Bayraktar, waxaana si rasmi ah u qaabilay Guddoomiyaha Xarunta, Selçuk Bayraktar, oo ah injineer sare iyo hormuudka horumarinta tiknoolajiyada milatari ee Turkiga.
Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dooneyso in ay xoojiso iskaashiga dhinacyada tignoolajiyadda, horumarinta kaabayaasha difaaca, iyo kobcinta awoodda farsamo ee ciidamada qalabka sida ee dalka.
Intii ay socotay booqashadu, Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa lagu wareejiyay qeybaha kala duwan ee xarunta, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
• Qaybta horumarinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones)
• Qeybta cilmi-baarista tiknoolajiyada difaaca
• Xarumaha tababarka injineerada
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhanka dhismaha ciidan, waxbarashada iyo tignoolajiyada. Waxa uu sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay ka faa’iideysato khibradaha Turkiga si loo horumariyo awoodda gudaha.
Wasiirka Dekedaha, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa isna sheegay in iskaashiga ay la leeyihiin shirkadaha Turkiga uu horseed u noqon doono horumar balaaran oo dhinaca dekedaha iyo gaadiidka badda ah.
Booqashadan ayaa qeyb ka ah safarka madaxweynuhu ku joogo Turkiga, kaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga.
