Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Xamza Cabdi Barre, ayaa la xaqiijiyay inay oggolaadeen dirista hub iyo saanad ciidan oo la geeyo magaalada Laascaanood, sida ay RNN Somali TV u xaqiijiyeen ilo-wareedyo xog-ogaal u ah arrintan.
Tallaabadan ayaa la rumeysan yahay inay si weyn u kicisay walaaca maamulka Puntland, oo si adag uga soo horjeeda in Dowladda Federaalka ay si toos ah u taageerto maamulka SSC-Khaatumo. Puntland ayaa weli si cad u diidan jiritaanka iyo sharciyadda maamulkaas.
Hubka iyo saanadda ciidan ee la diray ayaa la filayaa inay qeyb ka yihiin qorsheyaal amni iyo siyaasadeed oo la xiriira shir ballaaran oo lagu qabanayo magaalada Laascaanood, kaasoo loogu talagalay in si rasmi ah loogu dhiso maamulka Khaatumo. Shirkaas ayaa ah mid siyaasiyan xasaasi ah, maadaama uu ku saleysan yahay xaalad muran dhuleed iyo loolan beeleed oo muddo dheer ka taagnaa gobolka Sool.
Dhanka kale, mas’uuliyiinta Puntland ayaa hor istaagay kulan gaar ah oo uu doonayay inuu qabto guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, kaasoo dhawaan gaaray deegaanka Ceelbuh isagoo wata ciidamo gaar ah. Kulankaasi oo la sheegay inuu salka ku hayay diyaarinta ergooyin ka qayb geli lahaa shirka Laascaanood, ayaa loo arkay mid wiiqaya saameynta Puntland ee gobolka, islamarkaana dhiirrigelinaya faragelin toos ah oo ka timaadda Dowladda Federaalka.
Saraakiil sare oo ka tirsan Puntland ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay si aan la isku afgaran hurinayso xasilloonida gobolka, iyagoo ku andacoonaya in hub iyo ciidan la geeyay Laascaanood iyadoon wax wadatashi ah lala sameyn maamulka Puntland. Waxay arrintan ku tilmaameen “xadgudub cad oo ka dhan ah Dastuurka KMG ah ee dalka”, kaasoo dhiga in arrimaha maamul-goboleedyadu ay ku saleysnaadaan nidaamka federaalka iyo wada-tashi buuxa.
Xaaladda Laascaanood ayaa si isa soo taraysa u noqoneysa mid laga sii dayrinayo marka la eego is-buurashada siyaasadeed, khilaafka awoodda iyo arrimaha ammaanka ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland.