Sunday, February 23, 2025
spot_img
HomeWARARKII UGU DANBEEYAYMadaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra'iisul wasaaraha Itoobiya oo kulan ku yeeshay Addis...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo kulan ku yeeshay Addis Ababa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galaya Meertada 38-aad ee Shir-madaxeedka Midowga Afrika ayaa kulan-doceed la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya, Mudane Abiy Ahmed.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay xasilloonida Gobolka iyo mideynta dadaallada lagu cirib-tirayo argagixisada, waxa uuna sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay xaqiijinta iskaashiga heer gobol ee ku aaddan nabadda, daris-wanaagga iyo adkaynta xasilloonida.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Labada dal, iyadoo la dhiirri-gelinayo iskaashiga horumarineed ee ku salaysan daris-wanaagga iyo is-ixtiraamka, si waafaqsan danaha wadajirka ah ee labada dal, madaxbannaanida iyo midnimada dal kasta.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments