Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta booqday isbitaal ku yaalla magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo lagu dabiibayo qaar kamid ah ciidamadii Puntland ee ku dhaawacmay dagaalkii lagula galay kooxda Daacish ee ka dhacay qeybo ka mid ah buuraleyda gobolka Bari.
Madaxweynaha waxaa booqashadiisa ku weheliyay sarkaal sare oo Itoobiyaan ah, iyagoo si dhow u eegay xaaladda caafimaad ee ciidamada dhaawacmay. Puntland ayaa ciidamadaasi caafimaad ahaan ugu dirtay dalka Itoobiya si ay u helaan adeegyo caafimaad oo dheeraad ah.
Warbixinaha la helayo ayaa tilmaamaya in Madaxweyne Deni uu muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa dibadda dalka, isagoo maalmo kahor ka yimid dalka Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu joogay dhowr toddobaad arrimo aan si rasmi ah loo shaacin dartood. Waxa uu kadib u gudbay Kenya, ka hor inta uusan gaarin Addis Ababa.
Booqashada uu madaxweynuhu ugu tagay ciidamada dhaawaca ah waxay muujineysaa taageerada tooska ah ee maamulka Puntland u muujinayo ciidamada la dagaalamaya kooxaha xagjirka ah ee ka jira deegaanada Puntland, gaar ahaan kooxda Daacish oo weerarro ka fulisay buuraha Cal Madow.
Dowladda Puntland ayaa sanadihii la soo dhaafay dagaal culus kula jirtay kooxda Daacish, iyadoo ciidamo gaar ah loo diyaariyay hawlgallo joogto ah. Injiraatada ciidamada iyo khasaare dhaca dagaaladaasi ayaa sababtay in qaar kamid ah ciidamada dhaawacantay loo raro dibadda si caafimaadkooda loola tacaalo.