Madaxweyne Qoorqoor oo Gaaray Magaalada Baxdo, Dadweyne si Diirran u Soo Dhaweeyay

0
97

Baxdo, Galmudug – Juun 3, 2025 – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa maanta gaaray magalada Baxdo, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay.

Soo dhoweynta Madaxweynaha ayaa ahayd mid mug iyo miisaan leh, waxaana ka qayb qaatay mas’uuliyiin heer gobol iyo heer degmo, saraakiil ciidan, haween, dhallinyaro iyo waxgarad deegaanka ah. Dadweynaha ayaa muujiyay taageero iyo kalsooni ay u hayaan hoggaanka Galmudug.

Booqashada Qoorqoor ayaa kusoo beegmaysa xilli ay jirto xaalad amni oo kacsan qaybo ka mid ah gobolka Galgaduud, waxaana la filayaa in Madaxweynaha uu kulammo la yeesho saraakiisha amniga iyo bulshada rayidka ah si loo adkeeyo nabadda iyo howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here