Madaxweyne Qoor-Qoor oo Xarigga Ka Jaray Mashruuc Hoy Bixin ah oo Laga Hirgaliyay Cadaado

0
56

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), ayaa maanta xarigga ka jaray mashruuc ballaaran oo dib-u-dejin ah oo laga hirgeliyay magaalada Cadaado, kaas oo loogu talagalay in lagu dejiyo qoysas horey u ahaa barakacayaal.

Mashruucan ayaa ka dhigan tallaabo weyn oo horumarineed, waxaana ka faa’iideysan doona 117 qoys oo hadda helay deegaan rasmi ah oo ay leeyihiin, taasoo ka dhigan in ay ka baxeen xaaladdii barakaca.

Sida ay mas’uuliyiintu sheegeen, qoys walba waxa uu helay laba qol oo guri ah, jiko, iyo suuli, halka dhammaan 117-ka qoysna la siiyay warqadaha lahaanshiyaha dhulka, si ay si rasmi ah ugu noolaadaan kuna dhistaan mustaqbalkooda.

Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa mashruuca ku tilmaamay guul weyn oo dhanka bini’aadantinimada iyo horumarka bulshada ah, wuxuuna ballan qaaday in dowladdu sii wadi doonto taageerada dadka barakacayaasha ah si loo xaqiijiyo nolol sharaf leh.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here