Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa maanta si rasmi ah uga qayb galay munaasabadda daah-furka ololaha diiwaan-gelinta codbixinta ee ka bilaabatay deegaanada hoostaga Maamulkiisa.
Munaasabaddan oo ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda Koonfur Galbeed, wakiillo ka socda Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah.
Madaxweyne Laftagareen ayaa noqday muwaadinkii ugu horreeyay ee qaata shahaadada diiwaan-gelinta codbixiyaha, taasoo astaan u ah bilowga rasmiga ah ee ololaha doorashooyinka ku saleysan nidaamka qof iyo cod.
Isagoo khudbad ka jeedinayay munaasabadda, Madaxweyne Laftagareen ayaa shacabka Koonfur Galbeed ugu baaqay in ay si buuxda uga qeyb qaataan diiwaan-gelinta, isagoo xusay in ay muhiim u tahay xaqiijinta in qof walba codkiisa uu doorasho uga qeyb qaato. Wuxuu ku dardaarmay in loo midoobo horumarka nidaamka dimuqraadiga ah ee dalka.
Ololahan diiwaan-gelinta codbixiyayaasha ayaa ah mid muhiim u ah hirgelinta doorashooyin xor ah oo xalaal ah, waxaana lagu wadaa in uu ka hirgalo dhammaan gobollada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.