Madaxweynaha Soomaaliya oo Kormeeray Markabka Oruç Reis ee Sahanka Shidaalka

0
26

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kormeer rasmi ah ku tagay markabka Turkiga ee sahminta shidaalka iyo gaaska – Oruç Reis – kaasi oo muddo 234 maalmood ah baaris ku waday badda Soomaaliya.

Markabkan oo qeyb ka ah iskaashi ballaaran oo dhanka tamarta ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo dowladda Turkiga ayaa si rasmi ah u soo gabagabeeyay sahankii sahanka shidaalka ee uu ka waday saddex xirmood oo badda Soomaaliya ah. Sida lagu sheegay qoraal rasmi ah oo uu baahiyay Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Alparslan Bayraktar, markabku waxa uu ururiyay xog seismic 3D ah oo baaxad ahaan gaaraysa 4,464 km².

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu ku sugnaa markabka, kula kulmay shaqaalaha farsamada ee Turkiga iyo saraakiisha howlgalka sahanka. Madaxweynaha ayaa si gaar ah u bogaadiyay dedaalka dowladda Turkiga iyo shaqaalaha markabka, isagoo tilmaamay muhiimadda uu sahankan u leeyahay mustaqbalka dhaqaale ee Soomaaliya.

“Tani waa guul muhiim ah oo xoojinaysa yoolkeenna ah in Soomaaliya ay si buuxda uga faa’iideysato kheyraadkeeda, una beddesho fursado dhaqaale iyo horumar bulsho,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay inay kheyraadka dalka u adeegsato sidii loo heli lahaa kobac dhaqaale, shaqo-abuur, iyo maalgeshi gudaha iyo dibadda ah.

“Dowladda iyo shacabka Turkiga waxa ay mar walba hormuud u yihiin tallaabooyinka muujinaya in Soomaaliya la maalgashan karo,” ayuu sii raaciyay Madaxweynaha.

Markabka Oruç Reis ayaa la filayaa in uu si rasmi ah uga baxo dekadda Muqdisho 15-ka Juun 2025, isagoo ku laaban doona dalka Turkiga, halkaas oo xogta la ururiyay lagu falanqeyn doono si loo qiimeeyo suurtagalnimada in Soomaaliya ay bilowdo wax-soo-saarka shidaalka.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here