Madaxweynaha Masar oo gaaray Dalka Eriteriya iyo ujeedada uu u tagay +XOG

0
46

Wararka ka imaanaya Dalka Eriteriya, ayaa sheegaya in maanta uu halkaasi gaaray Madaxweynaha Dalka Masar Cabdifitaax Alsiisi, iyo wefdi uu hoggaaminayo.

Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Asmara, waxaa ku soo dhaweeyay madaxweynaha Masar dhiggiisa dalka Eriteriya isaias Afwerki.

Ujeedada uu Madaxweynaha Masar uu u tagay Magaalada Asmara, faah faahin badan laga haayo, balse waxaa xusid mudan in dalkaasi uu ku sugan yahay Madaxeynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh oo shalay galab gaaray Dalkaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in sadex maalin gudahood lagu dhisayo Isbaheysi xoogan oo dhinaca Itoobiya ku noqonaya caqabad aysan sinaba uga fakarin.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here