Madaxweynaha Mareykanka Donald J. Trump ayaa si cad oo adag u dhaliilay tallaabadii ay Israel ku jebisay heshiiskii xabad-joojinta ee u dhexeeyay iyada iyo Iran, isagoo ku tilmaamay mid xad-dhaaf ah oo aan loo baahnayn.
Trump ayaa sheegay in sababta jawaabta militari ee Israel ay noqotay hal gantaal aan la garanayn cidda riday oo ku dhacay meel aan si rasmi ah loo shaacin, balse la rumeysan yahay inuu ka yimid dhanka Iran. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in “hal gantaal oo aan khasaaro geysan karin” aanay u qalmin weerar ceynkaas ah oo Israel qaaday, taasoo uu sheegay inay si toos ah u jebinayso heshiiskii lagu doonayay dejinta xiisadda gobolka Bariga Dhexe.
Trump wuxuu intaas ku daray in dowladda Israel ay si ula kac ah u jebisay xabad-joojintii, isagoo yiri: “Waxay u muuqataa in Israel aysan dooneyn in dagaalku istaago, taasina waa arrin halis ku ah xasilloonida gobolka.”
Hadalkan ka soo yeeray Trump ayaa muujinaya in xitaa saaxiibbada dhow ee Israel sida Mareykanka aysan si buuxda u taageersaneyn falalka militari ee Tel Aviv, taasoo calaamad u ah in Mareykanka uu diyaar u yahay inuu si siman ula xisaabtamo dhammaan dhinacyada dagaalka si loo ilaaliyo nabadda gobolka.
Xiisadda u dhexeysa Israel iyo Iran ayaa weli halkeedii ah, iyadoo beesha caalamka ay baaqyo isdaba joog ah u jeedinayaan dhinacyada si looga fogaado dagaal hor leh.