Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo ah hoggaamiye aan si rasmi ah u aqoonsaneyn Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa guddoomiyay kulan gaar ah oo ay yeesheen Golaha Wasiirrada Maamulkiisa. Kulankaasi oo ka dhacay magaalada Kismaayo ayaa si qoto dheer loogu lafa guray xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha dib-u-eegista Dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka.
War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu xusay in kulanka xoogga lagu saaray aragtida Jubbaland ee ku aaddan geeddi-socodka Dastuurka iyo qorshaha doorashooyinka dalka, iyadoo la sheegay in aysan ka tarjumayn rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.
“Dib-u-eegista Dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka kama tarjumayaan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, maadaama ay ku socdaan hannaan hal dhinac ah oo aan loo dhammeyn,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Jubbaland ayaa si cad u muujisay walaac ay ka qabto sida dowladda Federaalka u wajahday dib-u-eegista Dastuurka, iyadoo sheegtay in geeddi-socodkaasi uusan salka ku hayn wadatashi qaran oo dhab ah.
Kulankan ayaa imanaya xilli khilaafka u dhexeeya dowlad-goboleedyada qaar iyo Dowladda Federaalka uu sii xoogeysanayo, iyadoo maamullada sida Jubbaland iyo Puntland ay horey u diideen inay ka qeyb qaataan gogosha siyaasadeed ee Villa Somalia ay fidisay.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku adkeystay muhiimadda ay leedahay in la helo hannaan doorasho iyo dib-u-habeyn Dastuuri ah oo loo dhanyahay, lagana qeyb geliyo dhammaan daneeyayaasha siyaasadeed si loo gaaro nidaam dimoqraadi ah oo dalka u horseeda xasillooni iyo horumar.