Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qeybgalay munaasabadda weyn ee lagu xusayay sannad-guurada 65-aad ee ka soo wareegtay maalintii la helay xorriyadda gobollada Koonfureed iyo midnimada dalka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha oo munaasabadda ka jeediyay khudbad qiimo leh ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay xoojiyaan midnimadooda, wadajirkooda, iyo garab istaagga dowladnimada. Wuxuu xusay in maalintan ay astaan u tahay halgankii gobannimo-doonka iyo dadaalkii ay sameeyeen aasaasayaashii dalka.
Madaxweynaha oo ah Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, ayaa salaan sharaf kaga qaatay Taallada Daljirka Dahsoon cutubyo ka tirsan Ciidamada Qaranka oo ku soo maray gaardis waddada Maka Al-Mukaramma ee magaalada Muqdisho. Waxaa sidoo kale wehelinayay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage.
Dabbaal-degga munaasabadda waxaa lagu soo bandhigay awoodda iyo diyaar-garowga Ciidamada Qalabka Sida, iyadoo diyaarado qumaatiga u kaca, dabaabadaha dagaalka iyo gaadiidka ciidanka ay muujiyeen kartida iyo heeganka Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska Soomaaliyeed. Muuqaalkan ayaa muujiyay sida ay ciidamada ugu diyaarsan yihiin difaaca dalka, ilaalinta midnimada, iyo xaqiijinta gobannimada Soomaaliyeed.
