Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa in uu maanta u safro dalka Masar si uu wadahadallo ula yeesho dhiggiisa dalkaasi, Madaxweyne Abdel Fattah El-Sisi.
Labada Madaxweyne ayaa diiradda saari doona arrimaha amniga, gaar ahaan howlgalka ciidamada AUSSOM ee ku sugan gudaha Masar. Intii uu socdo kulankooda, Madaxweyne El-Sisi ayaa sidoo kale la wadaagi doona Madaxweyne Xasan Sheekh warbixin la xiriirta horumarka laga gaaray geeddi-socodka dhismaha ciidamada iyo qorshaha sare u qaadidda iskaashiga labada dal ee dhanka difaaca iyo amniga.
Kulankan ayaa sidoo kale lagu lafa-guri doonaa xaaladda cakiran ee ka taagan Geeska Afrika, gaar ahaan xiisadda dib u soo cusboonaatay ee u dhaxeysa Itoobiya iyo Ereteriya. Madaxda ayaa filanaya in ay si qoto dheer uga hadlaan saamaynta ay colaadahaasi ku yeelan karaan xasilloonida gobolka.
Kulanka dhex maraya Soomaaliya iyo Masar ayaa imaanaya xilli uu gobolka Geeska Afrika wajahayo xaalad siyaasadeed oo sii cakirmeysa, kadib markii Itoobiya ay dhameystirtay dhismaha biyo xireenka weyn ee Webiga Nile (Nile Dam), tallaabo si weyn uga horjeedaan dalalka Masar iyo Suudaan.
RNN Somali TV waxay si dhow ula socon doontaa safarkan muhiimka ah iyo wixii warar ah ee kasoo kordha kulanka labada Madaxweyne.