Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida oo Soomaalida Kenya ugu baaqay inay Maalgashadaan Deegaankooda

0
37

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar, ayaa ugu baaqay Soomaalida ku nool dalka Kenya inay maalgashi ku sameeyaan Deegaanka Soomaalida.

Madaxweyne Mustafe oo maanta ka qeybgalay Bandhiga Dhaqanka Garisa ayaa tilmaamay horumarka dhinaca dhaqaalaha iyo xorriyadda ee laga gaaray Deegaanka Soomaalida iyo guud ahaan Itoobiya.

Waxa uu xusay in todobo sano kahor Deegaanka uu wajahayay cadaadis iyo duruufo sumcad xumo ku ah shacabka Soomaaliyeed, balse maanta uu gaaray heer horumar iyo isbeddel muuqda ah.

Madaxweyne Mustafe ayaa sidoo kale shacabka ku nool gobollada Waqooyi Bari ee Kenya warbixin ka siiyay isbeddelada wax ku oolka ah ee ka dhacay Deegaanka Soomaalida, isaga oo ku dhiirrigeliyay inay qayb ka noqdaan horumarka socda.

Ugu dambeyntii, waxa uu ugu baaqay Soomaalida ku dhaqan ismaamullada Garisa, Wajeer iyo Mandera in ay maalgashi ku sameeyaan Deegaanka Soomaalida, isagoo caddeeyay in Deegaanku yahay dhul Soomaaliyeed oo ay xor u yihiin inay wax ku yeeshaan.

Booqashada Madaxweyne Mustafe ee Garisa ayaa ku saabsaneyd ka qeybgalka Bandhiga Dhaqanka Garisa oo lagu soo bandhigay ciyaaraha iyo dhaqamada bulshada Soomaaliyeed iyo kuwa kale ee Kenya.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here