Madaxii Kooxda ‘AS’ u qaabilsanaa Maaliyada oo lasoo qabtay

0
92

Ciidamada Koonfur Galbeed oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Deeganka Buur-helede oo hoostaga Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay, ayaa lagu soo qabtay Madaxii Maaliyada Kooxda Al-shabaab ee Buur-hakaba.

Sarkalkan lagu soo qabtay howlgalka, ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Aliyow Isaaq Macalin, waxaana la tilmaamay in Kooxda u qaabilsanaan dhinaca Maaliyada gaar ahaan deegaanada hoosymada Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay.

Howlgalkan ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Ciidanka Daraawishta Koonfur Galbeed qeybta Degmada Buur-hakaba Maxamed Xassan Aadan ( Sandheere).

Sidoo kale Saraakiisha howlgalka qeybta ka aheyd ayaa sheegay in Aliyow Isaaq Macalin uu boonooyin u jarayay Gaadiidka kala duwan ee isticmaala Degmada Buur-hakaba,sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Ciidanka Daraawishta Koonfur Galbeed.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here