Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo Ka Digaysa Dastuurka, Doorashooyinka, iyo Barakicinta Shacabka.

0
41

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo kulan labadii maalin ee 30–31 bisha Agoosto ku yeelatay magaalada Muqdisho ayaa kaga arrinsatay xaaladda dalka iyo halista ay dowlad dhiska iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed wajahayso; waxaana ka soo baxay go’aannada soo socda:

1. Madashu waxay ka welwelsantahay ka jeedsiga Dowladda ee dagaalka argagaxisada duulaanka ku ah degaanno hore looga xoreeyey kaga mashquushay dastuurkii dalka oo la beddelo, khilaafka doorashooyinka iyo ciidankii oo loo adeegsaday fulinta ajende siyaasadeed iyo barakicinta shacabka danyarta ah. Madashu waxay ugu baaqaysaa dowladda in ay u soo jeesato la-dagaallanka argagaxisada Al-Shabaab iyo Daacish, lana yimaaddo qorshe, istiraatiijiyad iyo abaabul hoggaamineed oo lagu taageero.

2. In degdeg loo joojiyo barakicinta danyarta, xaraashka suuqa madow ah ee dhulka danta guud iyo dhulfidisga lagu duudsanayo xaqa milkiyadaeed ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.

3. In Madaxweynaha ku laabto wax-ka-beddelkii sharci-darrada ahaa ee uu ku sameeyay Dastuurkii la isku raacsanaa ee 2012, si dalka looga badbaadiyo qalalaase iyo dastuurro iska soo horjeeda.

4. Si hubanti la’aan siyaasadeed looga badbaadiyo dalka, in waqtiga yar ee ka haray muddo xil eedka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha laga heshiiyo doorasho la hirgelin karo, loo dhan yahay, ka fiican tii 2022, heshiisna lagu yahay.

5. Madashu waxay u aragtaa xeerka doorasho, kan Xisbi iyo Guddiga Doorashada ee uu Madaxweynaha u sameystay in ay yihiin shaati isaga ku jiin ah, sababta luuqnta la isku suray doorashooyinka heer degaan, dowlad goboleed iyo federaalna ay tahay muddo kororsi.

Gzr8dacWoAAUscX-197x300 Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo Ka Digaysa Dastuurka, Doorashooyinka, iyo Barakicinta Shacabka.Gzr8dbjXsAAzsP2-1-221x300 Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo Ka Digaysa Dastuurka, Doorashooyinka, iyo Barakicinta Shacabka.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here