La-taliyihii Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xuseen Macallin, ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay in uu iska casilay xilkii uu hayay. Qoraal uu ku daabacay bartiisa (X) ayuu ku sheegay inuu hadda yahay “La-taliyihii hore ee Amniga Qaranka.”
Xuseen Macallin wuxuu door weyn ku lahaa siyaasadda amniga qaranka tan iyo markii uu xilkan qabtay. Waxaa si gaar ah loogu aaminay feylka dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, isagoo ka mid ahaa dadka ugu dhow Madaxweynaha arrimaha amniga. Waxa kale oo uu door muuqda ka lahaa xiriirada dibadda, gaar ahaan la-tashiyada iyo iskaashiga lala yeesho dalalka taageera dowladda Soomaaliya.
Ka hor intii aan loo magacaabin xilka la-taliye, Xuseen Macallin wuxuu madax ka ahaa hay’adda cilmi-baarista iyo amniga ee Hiraal Institute, taasoo si dhow ula socotay dhaq-dhaqaaqa kooxaha xagjirka ah ee gobolka. Hadda, wararka la helayo waxay sheegayaan inuu aas-aasay hay’ad cusub oo la yiraahdo “Saldhig,” taasoo u muuqata in ay sii ambaqaadi doonto shaqadii iyo baaritaannadii uu hore u waday.
Iscasilaadda Xuseen Macallin ayaa imaneysa iyadoo xaaladda amniga ee dalka ay weli tahay mid kacsan, islamarkaana ay socdaan howlgallo militari oo lagu wiiqayo awoodda Alshabaab.