Kulan looga hadlayay garsoorka dalka oo ka dhacay Muqdisho

0
46

Xeer-Ilaaliyaha guud ee Qaranaka Mudane Sulayman Mohamed ayaa maanta shir la yeeshay ku xigeenada Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, shirkaas oo ujeedkiisu ahaa ka go’aan gaarista Xaashida Eedda iyo warbixinta Galalka.

Xeer Ilaaliyeyaasha ayaa dood iyo falaqayn ka yeeshay isbar-bardhiga qaab dhismeedka Eedda iyo soo jeedinadda cusub ee la xariira Xaashidda Eedda iyo Hannaanka Warbixinadda gal dacwadeedyadda.

Ugu danbayn Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa kula dardaarmay Xeer-Ilaaliye kuxigenada in Xaashida Eedda ee ay diyaariyaan ahaato mid ka turjumeysa xirfad, aqoon iyo dhaqan gelinta sharciga.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here