Kulamo Xasaasi ah oo Albaabada u Xiran oo Garowe Ku Dhexmaraya Axmed Madoobe iyo Saciid Deni

0
41

Wararka laga helayo magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ayaa sheegaya in kulamo albaabadu u xiran yihiin ay halkaas uga socdaan Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Kulamadan oo si hoose loo abaabulay, ayaa la sheegay inay socdeen muddo saddex maalmood ah, iyadoo si weyn loo ilaaliyey in wax xog ah laga helo arrimaha ay kaga hadlayaan.

Kulamadan siyaasadeed ayaa ah kuwo aan lagu arkin wax mas’uul kale ah oo dhinacooda ah, taasoo sabab u ah xog-yarida ka jirta waxa rasmiga ah ee ay wadahadalladoodu salka ku hayaan. Waxaa la rumeysan yahay in labada hoggaamiye ay si gaar ah u kala war qaadanayaan arrimo quseeya masiirka siyaasadda dalka.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa loo arkaa in ay yihiin qaar ka mid ah hogaamiyeyaasha saameynta leh ee siyaasadda Soomaaliya, kuwaas oo door muuqda ku leh dhismaha isbahaysiyada siyaasadeed ee dalka. Isfahamkooda hadda lagu sheegay inuu gaaray heer sare, ayaa la rumeysan yahay inuu saameyn xooggan ku yeelan karo Golaha Samatabixinta Qaranka ee fadhigoodu yahay Muqdisho — gole ay si mideysan uga soo horjeedaan siyaasadda dowladda federaalka ah ee hadda jirta.

Xaalada siyaasadeed ee dalka ayaa maraysa meel xasaasi ah, iyadoo isbahaysiyada mucaaradka ay sii adkeynayaan mowqifyadooda, halka dadaallada xal raadin ee ay wadaan beesha caalamka ay weli soconayaan.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here