Wasiirka arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Puntland, ayaa shaaca ka qaaday in 30,000 oo qaxooti Itoobiyaan ah ay muddo 10 bilood ah ay yimadeen deeggaanada Maamulka Puntland.
Wasiir Juxa, ayaa hadalkan ka hor sheegay Golaha wakiilada Puntland, waxa uuna walaac ka muujiyay qulqulka dadka soo galootiga ee Itoobiyaanka ah.
Sidoo kale Wasiir Juxa, ayaa tilmaamay in maamulka Puntland uusan heysan awood ku filan oo uu ku xakameeyo am aula talacaalo qaxootiga sii kordhaya ee deeggaanada Puntland.
Waxa uu sidoo kale hoosta ka xariiqay hadallo ay la yesheen dowladda Itoobiya, ay diiradda saarayaan sidii loo xakameyn lahaa qulqulka qaxootiga iyo dib u celinta qaxootiga ku sugan maamulka Puntland.
“Waxaa horey Puntland ugu sugnaa 15,000 oo qaxooti ah iyo 450,000 oo barakacayaal ah. Waxaana xaaladda hadda jirta ka dhigtay mid kasii daran qulqulka muhaajiriinta Ethiopian-ka ah ee maalmihii ugu dambeeyay kordhay,” ayuu yiri Wasiir Juxa.
Wasiirka ayaa ku booriyay dowladaha iyo hay’adaha caalamiga ah in ay taageero degdeg ah u fidiyaan Puntland si wax looga qabto dhibaatooyinka bini’aadanimo ee ka dhashay tirada sii kordhaysa ee qaxootiga iyo barakacayaasha ku sugan deegaannada Puntland.