Sida ay sheegayaan wararka anu ka heleyno gobolka Shabeellaha Dhexe kooxda Al-shabaab, ayaa iskaga baxday magaalooyinka Ceelbaraf iyo Biyacadde kadib markii ciidanka xoogga ay dhowr jiho ay ka galaan magaalooyinkaasi.
Wararka ayaa intaas ku adaraya in kooxda ay iskugu dad yar oo ku sugnaa Ceel-baraf, kadibna ay ku wareejiyeen furaha masjidka magaaladaas, kaas oo ay hore uga qaateen markii ay qabsadeen.
Duqeymo culus oo dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay lala beegsaday Al-shabaab ayaa la sheegay inay sabab u noqotay ka bixistooda deegaanadan.
Sidoo kale,ciidamada dowladda ayaa la sheegay in ay burburiyeen buundo macmal ah oo ay ka sameysteen deegaanka Aw Baale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Sikastaba, dowladda Soomaaliya ayaa kordhisay duqeyn circa iyo dagaalka tooska ah, taasoo keentay in kooxdan Al-shabaab ay khasaaro xoog leh kala kulanto duqeymahaasi.