Khasaaro Culus oo Al-Shabaab Lagu Gaarsiiyay Weerar Ka Dhacay Gobolka Baay

0
85
{"exportType":"image_export","tiktok_developers_3p_anchor_params":"{"picture_template_id":"","capability_name":"retouch_edit_tool","source_type":"vicut","client_key":"aw889s25wozf8s7e"}","editType":"image_edit","source_type":"vicut","pictureId":"1587FEDC-6FE4-4C27-9DCC-343E9A9A6415","data":{}}

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) ayaa maanta weerar qorsheysan ku qaaday xero ay deganaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ku taallay duleedka deegaanka Kurtun ee gobolka Baay.

Weerarkan oo dhacay saaka hore ayaa lagu sheegay inuu ahaa mid si gaar ah loo bartilmaameedsaday, isla markaana uu sababay khasaare weyn oo cadowga gaaray. Ilo wareedyo ka tirsan ciidamada ayaa xaqiijiyay in dagaalka kadib la burburiyay saldhiggii kooxda, iyadoo sidoo kale la soo furtay hub iyo saanad ciidan oo tiro badan.

Saraakiisha ciidamada Xoogga Dalka ayaa sheegay in howlgalkan uu qeyb ka yahay qorshaha ballaaran ee lagu sifeynayo gobollada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, si loo sugo amniga loona adkeeyo gacanta dowladda ee deegaannadaas.

Howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa maalmihii la soo dhaafay sare u kacay, waxaana Dowladda Federaalka ay horay u ballan qaaday in sanadka 2025 uu noqon doono mid lagaga adkaado Khawaarijta guud ahaan dalka.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here