
Saddex sano iyo labo bilood ka hor, dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday dagaal ballaaran oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, iyadoo ballanqaaday in dalka laga xoreyn doono kooxaha argagixisada ah. Waxaa si toos ah loo abaabulay ciidamada qalabka sida, waxaana garab siiyay shacabka, gaar ahaan dadka deegaanka oo loo yaqaan “Macawiisleyda”. Si kastaba ha ahaatee, xogaha soo baxay hadda ayaa muujinaya in khasaarooyin ballaaran laga dhaxlay howlgalkaas, iyadoo guulaha la gaarayna ay kooban yihiin.
Warbixino la isku halleyn karo oo uu soo bandhigay Cali Yare Cali, Guddoomiyihii hore ee Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, ayaa muujinaya in dagaalka lagu waayay kumannaan askari iyo dad shacab ah, halka hanti ciidan oo malaayiin doolar ah ay ku burburtay. Ilaa 3,700 askari oo ka tirsanaa ciidanka qalabka sida ayaa ku shahiiday, iyadoo in ka badan 2,000 oo Macawiisley ahna ay sidoo kale naftooda ku waayeen dagaallada. Dhaawacyadu waxay gaarayaan ku dhawaad 10,000.
Dagaalkii ballaarnaa wuxuu sidoo kale sababay in la waayo gaadiid dagaal oo badan, qaarna la gubo, halka kuwo kale ay gacanta u galeen Al-Shabaab. Waxaa intaas dheer, deegaanno tiradoodu gaarayso 32 oo markii hore ay dowladda sheegtay inay xoreysay ayaa dib looga baxay, iyadoo aysan jirin istaraatijiyad adag oo lagu difaacay xoreyntaasi.
Inta lagu guda jiray dagaalka, waxaa la waayay 132 sarkaal ciidan ah, oo ay ku jiraan afar jeneraal iyo saraakiil sare oo kale. Kuwaasi badankood waxay ku dhinteen dagaallo culus oo ka dhacay meelo ay kamid yihiin Cowsweyne, Ceel-lahelay, Caad, Geelgub, Masaajid Cali-Gaduud, Awdheegle, Basra, Abooreey, Aadan Yabaal, iyo Galcad.
Ciidamada tababaran ee dowladda, oo gaaraya 20,000 – una kala qeybsanaa askar laga keenay Eritrea iyo kuwa lagu tababaray Imaaraadka – ayaa burburay, iyadoo aysan muuqan wax guul ah oo ay gaareen. Waxaa sidoo kale la tilmaamay in qaabkii loo wajahday dagaalka uu dhaawacay niyadda shacabka iyo dadaallada iskaashiga beelaha, gaar ahaan beesha Xawaadle oo lagu eedeeyay in la dayacay markay ku sugnaayeen goor adag.
Isbeddelada joogtada ah ee ka dhacay hoggaanka ciidanka iyo laamaha ammaanka ayaa sidoo kale noqday mid ka mid ah arrimaha lagu dhaliilayo dowladda. Labo wasiir difaac, labo wasiir amni, labo taliye ciidan, saddex taliye lugta ah, iyo saraakiil kale oo isugu jira taliyaal sirdoon, boolis, qeybo, guutooyin iyo ururro ayaa la bedelay muddadaas, taas oo muujinaysa jahawareer iyo is-aaminaad la’aan ka dhex jirta hay’adaha amniga.
Marka la eego deegaannada weli ay dowladda maamusho ee la tilmaamay, waxaa ka mid ah degmada Ceeldheer iyo Xarardheere, kuwaasoo ay sheegayaan warbixintu in ay ka mid yihiin deegaannada ay asal ahaan kasoo jeedaan madaxda sare ee dowladda.
Gunaanadka warbixinta wuxuu muujinayaa in howlgalka militari ee lagu dhawaaqay midkii ugu ballaarnaa sanadihii u dambeeyay uu la kulmay caqabado culus, ayna jireen khasaarooyin naf iyo hantiyeed oo ka badan waxyaabihii la filayay. Xogta ay bixiyeen dad xilal hore u soo qabtay ayaa tilmaamaysa baahida loo qabo dib u eegis dhab ah oo ku aaddan sida dowladda u wajahayso dagaalka Al-Shabaab, iyadoo lagama maarmaan tahay in laga fogaado khaladaadkii hore si loo gaaro xasillooni iyo xoreyn dhab ah oo dalka ka hirgasha.