Saturday, February 22, 2025
spot_img
HomeWARARKII UGU DANBEEYAYKalfadhiga Baarlamaanka Soomaaliya oo la shaaciyay xiliga uu furmayo ( Akhriso)

Kalfadhiga Baarlamaanka Soomaaliya oo la shaaciyay xiliga uu furmayo ( Akhriso)

Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa  soo saaray war-saxaafadeed ay ku shaacinayaan xiliga uu furmayo kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuriyadda  Soomaaliya oo furitaankiisa uu dib u dhac ku yimid xiligii loo baahnaa.

Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya waxa ay shegeen in markii kulamo ka yeesheen xiliga uu furmayo kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya ay go,aamiyeen inuu  si rasmi ah uu kalfadhiga 6-aad u frumo  maalinta Sabtiga ee 22-ka Feberaayo 2025.

War-saxaafadeedka ayaa loogu baaqay  Xildhibaanada ka maqan dalka inay dib ugu soo laabto dalka ka hor inta uusan furmi kalfadhiga, si shaqada hortaala Baarlamaanka ee ay u hayaan bulshada loo sii ambaqaado.

“Sanetarada iyo xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaa lagu wargelinaya in ay soo xaroodaan ka hor mudada la go’aamiyay ee furitaanka kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya si loo sii amba qaado gudashada waajibaadka Dastuuriga ah ee loo hayo dadweynaha Soomaaliyeed”.  ayaa lagu yiri war-saxaadeedka  kasoo baxay guddoonka labada aqal.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments