Wasaaradda amniga ee Maamulka Jubbaland ayaa sheegtay in ciidan beeleed laga keenay Muqdisho, oo ay abaabushat Dowladda Federaalka Soomaaliya, lakeenay Raaskambooni, ayna sharci darro tahay.
Sidoo kale wasaaradda waxay sheegtay in ay ciidankaas hadda is horfadhiyaan ciidanka Jubbaland, masuuliyada ka dhalatana ay qaadayaan madaxda Dowladda Soomaaliya.
Qoraalka kasoo baxay wasaaradda amniga Jubbaland waxa ay sheegtay in Dowladda ku fashilantay isku dayo ay doonaysay in ay Gedo ciidamo kaga dajiso.