Jubbaland oo Hakisay Dabaaldegyada 1-da Luulyo Iyadoo la Tixgelinayo Geerida Madaxweyne Ku-xigeenkii Cabdikhaadir Lugadheere

0
37

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa si rasmi ah u shaacisay in la hakiyay dhammaan dabaaldegyadii loo qorsheeyay maalinta 1-da Luulyo, xuska maalinta xorriyadda iyo midnimada Soomaaliya, sababo la xiriira geerida Madaxweyne Ku-xigeenkii Jubbaland, Cabdikhaadir Lugadheere.

Bayaan kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in go’aankan uu yahay mid loogu tacsiyeynayo qaranka, gaar ahaan shacabka Jubbaland, iyadoo lagu ixtiraamayo marxuumka oo ahaa masuul qaran oo xil weyn ka hayay dowlad-goboleedka.

“Dabaaldegyada sanadkan dib ayaa loo dhigay, waxaana xooga la saarayaa salaadda janaasada, ducooyinka, iyo tacsida la xiriirta geerida Madaxweyne Ku-xigeen Cabdikhaadir Lugadheere,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Marxuumka ayaa shalay lagu aasay xabaalaha Baar-caleen ee duleedka magaalada Kismaayo, waxaana aaska ka qeyb galay mas’uuliyiin sare, ehel, qaraabo iyo dadweyne aad u farabadan.

Waxaa hadda magaalada Kismaayo ku sugan qoyska marxuumka, qaraabo iyo ehel kale oo u yimid tacsida, iyadoo magaalada ay dareen murugo iyo xasuus qaranba ka muuqato.

Dowladda Jubbaland ayaa ugu dambeyntii ugu baaqday shacabka in ay sii wadaan ducooyinka iyo xusuusta wanaagsan ee ay u hayaan marxuum Cabdikhaadir Lugadheere, kaas oo door muuqda ku lahaa siyaasadda iyo horumarka Jubbaland.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here