Jubbaland oo dagaalkii saakay ka dhacay Baardheere ku eedeysay inuu ka dambeeyey MW Xasan Sheekh

0
29

Maamulka Jubbaland ayaa War-saxaafadeed kasoo saaray dagaalka saakay ka dhacay Baardheere ee gobolka Gedo.

Jubbaland ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeysay in ciidamo ka amar qaata asiga ay weerareen xarunta degmada Baardheere, ayna doonayeen inay burburiyaan xarunta Baardheere oo shacabka loogu adeego.

Sidoo kale maamulka Jubbaland ayaa sheegay in dagaalka saakay ka dhacay  uu muujinayo sida madaxweyne Xasan Sheekh uga go,an tahay  in danaha uu  lee yahay uu ka dhaqan galiyo  Baardheere

“Xarunta ay Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kooxdiisa Dagaalka kusoo qaadeen waa halka loogu adeego Bulshada Baardheere taas ayaa waxa ay Muujineysa sida Xasan Sheekh Maxamuud uusan dan uga laheen Bulshada kaliya ay u cadahay Dano shaqsi oo asaga u gaar ah”.  Ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Jubbaland.

Geesta kale Jubbaland ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeysay inuu doonayo inuu burburiyo nidaamka dowliga ee Jubbaland ee ka jira degmada Baadheere ee gobolka Gedo.

“Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kooxdiisa ayaa ayaa go’aan-saday in ay bur-buriyaan Nidaamka Dowliga ah ee ka jira Degmada”.

Dagaalkii saakay ka dhacay degmada Baardheere, ayaa sababay gacan ku heynta degmada, oo ay isku hayaan ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland.

 

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here