Dowladda Israel ayaa weeraro cirka ah oo culus ku qaaday goobo muhiim ah oo ku yaalla gudaha dalka Suuriya, kuwaasoo isugu jira xarumo ciidan, saldhigyo istiraatiiji ah, iyo dhismooyin ay horay u degi jireen madaxda sare ee dowladda Suuriya, oo uu ku jiro madaxweynaha laftiisa.
Wararka laga helayo magaalada Dimishiq iyo nawaaxigeeda ayaa sheegaya in duqeymuhu ay sababeen khasaare naf iyo maalba leh, inkastoo wali si rasmi ah loo shaacin tirada khasaaraha rasmiga ah.
Weeraradan ayaa imaanaya xilli gobolka Bariga Dhexe uu wajahayo xiisad siyaasadeed iyo mid militari oo cirka isku shareertay, gaar ahaan xiriirka ka dhaxeeya Israel iyo Iran. Bishii hore bartamaheedii, Madaxweynaha hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa si cad u taageeray Israel, taasoo sii kicisay dareenka guud ee gobolka. Waxaa sidoo kale la xusuustaa in xabbad-joojin rasmi ah lagu dhax-dhexaadiyay Israel iyo Iran, inkastoo ay muuqato in dagaalku mar kale dib u qarxayo.
Sarkaal ka tirsan difaaca Suuriya ayaa sheegay in weeraradan ay ahaayeen “gardarro militari” oo lagu xadgudbay madaxbannaanida Suuriya, isla markaana ay ka fiirsan doonaan jawaab celin rasmi ah oo la xiriirta weerarada Israel.
Dowladda Israel dhankeeda kama aysan hadlin duqeymihii ugu dambeeyay, balse waxa horey ay u sheegtay inaysan ogolaan doonin wax halis ah oo kasoo gaadha Iran ama kooxaha ay taageerto ee ku sugan Suuriya.