IRAN oo Qabtay Diyaarad Drones ah oo Israel Qorsheynaysay in ay Weerar Ku Fulisay Gudaha Dalka

0
61

Warbaahinta Iran ayaa ku warantay in hay’adaha sirdoonka Iran ay gacanta ku dhigeen laba baabuur oo siday diyaarado drone ah, kuwaas oo loo diyaariyey weerarro gudaha Iran ka dhaca, iyadoo lagu eedeeyay Israel.

Labada baabuur ee la qabtay ayaa kala ah:

• Gaari xamuul ah (Truck) oo laga helay gobolka Zanjan

• Toyota Hilux oo lagu qabtay magaalada Kermanshah

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in dad looga shakisan yahay inay yihiin shaqaale Israel ah la xiray.

🎯 Xogta oo Xumaanaysa

Horey Jimcihii, Israel waxay qiratay in weerarro ay ka fulisay magaalada Tehran ay ahaayeen kuwo si gudaha dalka Iran ah loo abaabulay.

Arrintan ayaa kicisay dareenka sirdoonka Ruushka, maadaama weerarro isku eg laga fuliyay gudaha Russia iyo Iran, taasoo keentay tuhun ah in labada weerarba ay ka dambeeyaan hay’adda sirdoonka Israel ee Mossad.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here