In Ka Badan 50 Dagaalame oo Al-Shabaab ah oo Lagu Dilay Howlgallo Ka Dhacay Jubbada Hoose

0
53

Muddadii u dambeysay ee saddexda maalmood, Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Maqooqaha iyo tuulooyin kale oo hoos taga gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalladan oo ahaa kuwo si xeel dheer loo abaabulay ayaa lagu dilay in ka badan 50 xubnood oo ka tirsan ururka Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku jireen horjoogayaal muhiim ah oo hoggaan u ahaa kooxda.

Sidoo kale, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay hub iyo saanad ciidan oo fara badan, waxayna burburiyeen gododkii iyo xarumihii sirdoonka ee ay Al-Shabaab ku dhuumaaleysanayeen.

Taliska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in howlgalladan ay qeyb ka yihiin dagaalka socda ee dalka looga xoreynayo Al-Shabaab, si loo xaqiijiyo nabad, xasillooni, iyo dib u soo celinta hay’adaha dowladda ee Jubbooyinka.

Howlgallada waxaa si dhow u garab istaagaya saaxiibada caalamiga ah ee taageera Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo lagu wado in wajiyada danbe ee hawlgalladaasi lagu furo deegaano hor leh oo wali ku jira gacanta Al-Shabaab.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here