Ilmo Lagu Dhalay Buurta Carafo Xilli Heerkulku Sareeyo, Hooyo Ka Timid Togo

0
52

Buurta Carafo — Xilli heerkulka kuleylka uu si aad ah u sareeyay isla markaana malaayiin xujey ah ay isugu soo baxeen buurta barakeysan ee Carafo — mid ka mid ah maalmaha ugu fadliga badan Islaamka — ayaa halkaasi lagu diiwaangeliyay ilmaha ugu horreeya ee ku dhasha goobtaas sannadkan.

Ilmahaasi waxa dhashay hooyo Muslimad ah oo ka timid galbeedka Afrika, gaar ahaan Jamhuuriyadda Togo. Dhaqaatiirta iyo saraakiisha caafimaadka ee ka howlgala xarunta caafimaad ee ku taalla buurta Carafo ayaa xaqiijiyay in hooyada iyo ilmaha ay caafimaad qabaan.

Dhalashada ilmahaas ayaa la arkay iney tahay dhacdo gaar ah oo farxad gelisay dadka ku sugnaa xaruntaas, iyadoo ay uga dhigan tahay barako iyo calaamad kheyr xilli ay xujeydu ku guda jiraan camallada waaweyn ee Xajka.

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa hore u sheegay in ay diyaariyeen xarumo caafimaad oo heersare ah si loogu adeego xujeyda, gaar ahaan xaaladaha degdegga ah sida umusha, xanuunada iyo kuleylka daran ee saameyn kara xujeyda inta lagu jiro maalmaha Xajka.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here