Friday, March 21, 2025
spot_img
HomeWARARKII UGU DANBEEYAYHowlgal lagu dilay dagaalamayaal katirsan 'AS' oo lagu fuliyay Shabeellaha Dhexe

Howlgal lagu dilay dagaalamayaal katirsan ‘AS’ oo lagu fuliyay Shabeellaha Dhexe

Wararka inaga soo gaaray gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa sheegay in howlgal ciidanka deegaanka ay sameyeen sacaadihii lasoo dhaafay ka sameyeen Tuulooyin u dhaxeeya deegaanada Labo-garas iyo Miirtaqwa ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalka ayaa la sheegay in lagu dilay labo dagaalame oo katirsan Shabaab, lagana furtay hubkii ay wateen.

Howlgalka ay ciidaka deegaanka ee Macawiisley ka fuliyeen tuulooyinka u dhaxeeya deegaanada Miirtaqwa iyo Labo-garas ayaa daba socda dagaal khasaaro geystay oo ciidanka xoogga iyo Al-shabaab, saacadihii lasoo dhaafay ku dhex-maray deegaanka Sumadaale ee gobolka shabeellaha Dhexe.

Deegaanad gobolka Shabeelllaha Dhexe, waxaa ka socda guluf dagaal oo ay wadaan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka, kaddib markii Shabaab badan ay soo galeen deegaano iyo degmoyooyin ku yaalla gobolka, iyaga oo kasoo gudbay deegaanada ku yaalla wabiga Jiinka Shabeelle.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments