Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Magaalada Nairobi kulan kula qaatay Madaxa ugu sareeya Bangiga Aduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson oo ay Wehliyaan Peter Ellis, Madaxa Mashaariicda Bariga iyo Koonfurta Africa iyo madaxa Mashruuca Nagaad Thalyta E. Yuwono (Nandya).
Kulanka waxaa lagaga wada hadlay Dhamaan Mashaariicda ay Maalgeliyaan Bangiga Aduunka Dhinacyada Hormarinta Mashaariicda Socda Dhismaha Wadooyinka, Xarumaha Dowladda, Dib udejinta iyo Hirgelinta Mashaariic hore leh.
Kulanka waxaa Madaxweynaha kala Qeybgalay Wasiirka Gargaarka, Agaasimaha Madaxtooyada, Gudoomiyaha Degmada Baydhabo iyo isku Duwaha Mashruuca Nagaad.